Friday, April 19, 2024

Faarax Macalin oo Baarlamaanka Soomaliya ugu baaqay inuu diido Heshiiska Doorashada, weerarna ku qaaday…

Siyaasiga Faarax Macalin Dawaare oo ka mida Siyaasiyiinta Soomaalida Kenya ayaa ku baaqay in Baarlamaanka Soomaaliya uu diido Heshiiska Doorashada ee Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda Mamaul Goboleedyada dalka ay ku gaareen magaalada Muqdisho.

Heshiiska ayuu ku tilmaamay mid sharci darro ah, wuxuuna madaxda Maamul Goboleedyada ku tilmaamay inay yihiin Khaa’inul wadan aan wax shaqo ah ku lahayn doorashada xildhibaanno Qaran, isagoo madaxweyne Farmaajo kula taliyey inuu maskaxdiisa ka saaro doorasho Qran oo ay qabtaan maamul Goboleedyo.

“Xagee lagu arkay dhammaan dimoqraadiyadaha soo koraya Dowlad Goboleed qabaneysa Doorashooyin Qaran?. Farmaajo waa inuu si dhab ah maskaxdiisa uga saaraa inay khaa’inul waddaniyiin ay cadahay falalkooda ay qaban karaan Doorashooyinka xildhibaannada Qaranka oo xor iyo xalaal ah” ayuu yiri Faarax Macalin oo si kulul uga hadlay xaaladda Doorashooyinka Soomaaliya.

Ad

Wuxuu ugu baaqay Baarlamaanka Soomaaliya inuu diido heshiiskan oo uu ugu yeeray inuu yahay baadil aanay waxba ka jirin.

Faarax Macalin ayaa taageero u ah madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, waxaana lagu yiqiin inuu si weyn uga horjeedo madaxda maamul Goboleedyada, gaar ahaan Axmed Madoobe.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON