Sunday, July 13, 2025

Fahad Daahir oo u xuub siibtay Xildhibaan iyo Arrin uu shaaciyey inuu uga dayn doono Khadija Diiriye

Dooarshada lix kursi oo ka mid ah Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ee xubnaha kasoo galaya maamulka HirShabelle, ayaa maanta ka dhacady magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Kursiga u horreeyey ee doorashadiisa la qabtay ayaa ah kursiga HOP#086, waxaana ku tartamayay Fahad Daahir Axmed oo ah La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday, horeyna usoo noqday Agaasimha hay’adda Nabad-sugidda NISA.

Fahad ayaa helay 70 cod, halka musharraxa la tartamayey Axmed Dayib Axmed uu helay 24 cod, waxaa la sheegay inay saddex cod ay xumaadeen.

Khudbad uu jeediyey Fahad Daahir doorashadiisa kadib ayuu ku sheegay inay ugu horeysay tan ugu horeysay doorasho oo loo codeeyo. “Doorasho dadban Shuban (dhib) ayaa ka horeeya ee haloo askeysto. Walaashey Khadiija Diiriye oo halkan taagan mar labaad iyo mar saddexaad si loogu soo noqdo iyada ayaan ka baran doonaa” ayuu yiri Fahad Daahir

Kursiga Fahad ku guuleystay ayaa waxaa Golaha Shacabka ee muddo xileedkiisu dhammaaday ku fadhiyey xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo hadda arrimo caafimaad ugu maqan dalka India.

Dhinaca kale, ka hor inta aysan dhicin doorashada maanta ayaa guddiga doorashada ay sheegeen inay hakiyeen doorashada kursiga HOP086. Waxaana cad inay natijada kursigan rasmi ahaan u ansixin doonin Guddiga doorashada heer federal iyo in kale. Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in lala wareegay cinwaanadii ay ku lahaayeen Baraha Bulshada.

Fahad oo magacii lagu yaqiin u bedeshay Fahad Daahir Axmed ayaa awood dheraad ah saaray si uu kursi xildhibaan u helo, waxaana lagu micneeyay inuu ahaa xasaanad raadis, isagoo ku eedeysan denbiyo badan oo uu ku galay magaca Hay’adda NIS ee uu madaxda ka ahaa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON