Sunday, July 13, 2025

Fahad Yaasiin oo Diyaarado sida Ciidamo Gaar ah iyo Ergo ka dejiyey Magaalada Beledweyne

Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta ay magaaladaasi gaareen diyaardo sida ciidamo gaara iyo ergo laga qaaday caasimadda Muqdisho.

Diyaaradaha ayaa siday Ciidamada Warran ee NISA ka tirsan, kuwaas oo ilaalo gaara ah oo sugaya Amniga Fahad Yasiin Xaaji Daahir oo loo xiray Kursiga HOP086, kaasoo doorashadiisa ay ka dhaceyso Garoonka Garoonka diyaaradaha Magaalada Beledweyne.

Kursiga HOP086 oo loo xiray Fahad Yaasiin ayaa muran ka dhex dhaliyey Guddiyada Doorashada Federaalka ee FEIT iyo Hirshabelle SEIT, kadib markii la hakiyey Kursigan, waxaase muuqata in Hirshabelle ay sii wadi doonto doorashada.

Ciidamo fara badan oo dowladda federaalka u dirtay Beledweyne ayaa ku sugan magaaladaasi, laakiin cabsida laga qabo Amniga Fahad Yaasiin oo ku eedeysan denbiyo kala duwan gabadhii ka tirsnayd ee NISA ee Ikraan Tahliil ayaa keenay inuu ciidamo hor leh u diro Beledweyne.

Axadda 20-ka Febraayo ayaa la filaya inuu Fahad Yasiin tago magaalada Beledweyne, sida qorsheysan isagoo saacado kooban joogi doono si kursiga loo xiray ugu soo baxo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON