Monday, June 23, 2025

Farmaajo iyo Rooble oo kulan fool-ka-fool ah la isugu keenay (Akhriso Qodobadda laga doodayo)

Wararka laga helayo xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya inuu kulan toos ah u bilowday madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cllaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Kulanka oo ay soo qabanqaabiyeen madaxweynayaasha Galmudug Cabdi Cabdi Kaariye iyo K/Galbeed C/casiis Xasan Maxamed ayaa ka danbeeyay waanwaan ay labada dhinac ka dhex wadeen labadii maalmood ee ugu danbeysay, taasoo keentay kulanka manat.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka oo xilligan socda looga doodayo khilaafka ka dhashay Kiiska Ikraan Tahliil iyo Xil ka qaadistii Agaasimaha NISA, waxaana qodobadda la isku hayo ka mida:

1- In kiiska si Madax bannaan loo baaro, lagana saaro khilaafka siyaasadda

2- In laga heshiiyo Qofkii loo magacaabi lahaa Agaasimaha Hay’adda NISA

3- Iyo in las oo celico xiriirkii madaxda dowladda si loo dardar geliyo Doorashada

Labada qodob ee hore oo Farmaajo ku dheganaa ayaa laga soo sheegay debecsanaan aan badneyn, halka Ra’iisal wasaare Rooble uu go’aanadiisii hore ku dhegan yahay, waxaana madaxda wada waanwaanta ay ku guuleysteen inay isu keenaan labada dhinac.

Kadib kulankii guud ayuu Farmaajo codsaday kulan gaara inuu la yeesho Ra’iisal wasaare Rooble, waxaana kulanka gaarka ah uu qaatay in muddo ah, iyadoo la sugayo is-faham kasoo bixi kara.

Maamulka Hay’adda NISA iyo cidda hogaankeeda qabaneysa ayaa ku xiran si loo wajahayo kiiska Ikraan Tahliil oo kiciyey qalalaasaha siyaasadeed ee Maxamed Farmaajo iyo Maxamed Xuseen Rooble.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON