Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya inay saaka halkaasi la geeyay ciidamo ka tirsan Milateriga Kumaandooska Turkigu tababray ee Gorgor iyo kuwa Booliska gaarka ah ee Haramcad.
Ciidamada oo amarka lagu geynayo magaalada Beledweyne uu bixiyey madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday e Maxmaed C/llaahi Farmaajo ayaa waxaa laga qaaday magaalada Muqisho, waxaana qeybtii ugu horeysay ay ka degaan Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaiif ee Magaalada Baladweyn.
Diyaaradii ugu horeeysay oo siday ilaa 50 Askari ayaa saaka degtay, waxaana lagu wadaa in Ciidamadan oo gaarayo ilaa 400 oo askari oo Haramcad iyo Gorgor is kugu jiro la geeyo magaalad Baladweyne.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadan ay sugayaan Amaanka Magaalada iyo Doorashada 25 kursi oo taalla magaaladaasi, xilli uu khilaaf ka taagan yahay magaaladaasi.
Arintan ayaa ku soo beegantay iyadoo shalay Magaaladaasi ay aafado ka mida la wareegeen maleeshiyo hubeeysan oo oo kasoo horjeedo safar uu Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseeen ku tegi lahaa halkaasi.
