Sunday, July 13, 2025

Farmaajo oo hambalyo diiran u diray Abiy Ahmed. “Soomaaliya waxay sii wadi doontaa la shaqeyntaada..”

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa si iiran u soo dhoweeyay guusha doorashada ee Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Xisbigiisa.

Qoraal uu si gaara ugu diray Abi Ahmed ayuu Maxamed C/llaahi Farmaajo ku yiri: “Waxaan si diirran ugu hambalyeynayaa Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed Ali oo mar kale hantay codadka dadka Itoobiya”

“Soomaaliya waxay sii wadi doontaa la shaqaynta dowladda Abiy Ahmed si loo sii xoojiyo xiriirkeena laba geesoodka ah si ay faa’iido ugu jirto labadeena shacab iyo guud ahaan gobolka” ayuu farriintiisa ku yiri Farmaajo oo sii raaciyey “Waxaan kuu rajeynayaa guul weyn, Mudane Ra’iisal Wasaare”.

Farmaajo ayaa saxiibo dhow la ahaa Ra’iisal wasaarah Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Eritrea Isais Afwerki, isagoo ku wada jira isbaheysi ay sameysteen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON