Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa tacsi degdeg kasoo saaray qarax galabta ka dhacay magaalada Kismaayo.
Qoraal aad u kooban oo lagu faafiyay Warbaahinta Dowladda ayaa lagu sheegay in Maxamed Farmaajo uu tacsi u diray dhalinyaradda lagu xasuuqaay qaraxa ka dhacay Kismaayo.
“.. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka tacsiyeeyey geerida dhallinyarada ciyaartooyda ah ee argagixisada Al-Shabaab ay ku xasuuqeen qaraxa ka dhacay Kismaayo, ayaa tilmaamay in falkaasi uu ka marag kacayo sida ay argagixisadu cadow ugu tahay nolosha dhallinyarada Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraalka oo si hordhac ahaan ah warbaahinta loo siiyey, iyadoo saacado kadib lagu faafiyey baraha Madaxtooyada.
Farmaajo ayaa hore looga bartay inuu ka gaabsado ka hadlidda qaraxyada iyo dadka ku waxyeelooba, taasoo ahayd siyaasad uu aatay labadii sano ee ugu danbeysay muddo xileedkiisa.
