Sunday, July 13, 2025

Farmaajo oo War kasoo saaray Doorashada Puntland, kadib eedeyn uga timid Siciid Deni

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa war kasoo saaray Doorashada tooska ah ee Golayaasha degaanka, kana qabsoontay 3 degmo oo ka mida Puntland.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay inuu Farmaajo la xiriiray Guddoomiyeyaasha Ururrada Siyaasadda ee Puntland ee ku tartamay doorashada dadweynaha, isagoo ugu hambalyeeyey natiijada dhiirri-gelinta mudan ee ay ka soo hooyeen deegaannada ay ku qabsoontay doorashadu.

“Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Maamulka iyo bulshada Puntland, Guddiga Doorashada iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb-galay sida ay ugu midoobeen ka dhabeynta qorshaha dimuqraadiyeynta Puntland oo tallaabadii ugu horreysay loo qaaday, isaga oo ku adkeeyey in ay sii ballaariyaan tijaabada” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Farmaajo.

Qoraalka madaxtooyada laguma sheegin madaxda ururrada siyaasadda ee uu la xiriiray kuwa ay yihiin, waxayna arrintan ka dambeysay markii madaxweynaha Puntland uu ku eedeeyay Farmaajo inuusan dooneynin Doorasho Qof iyo Cod ah iyo nidamaka Federaalka midna, mar haddii aanu Puntland ugu hambayeynin Doorashada ay qabsatay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON