Madaxweynaha muddo xileedkiisu ku ekaa Febraayo 2021 ayaa caawa soo saaray xeer madaxweyne oo uu ku baabi’inayo magacaabidda iyo go’aano maamul wixii ka danbeeyay 14 April 2022.
Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada oo lagu baahiyey Baraha bulshada ayuu Farmaajo ku sheegay inuu ka hortagayao ku takri-falka awoodda dowladnimada, musuqmaasuqa maamul iyo xadgudubka ka dhanka ah shaqaalaha qaranka; Wuxuun uu soo saaray Xeerkan;
1. Waxaa Xeer Madaxweyne lagu joojiyey dhammaan go’aammada ku saabsan isbeddelada maamul iyo shaqaale ee Hay’adaha Dowladda, inta lagu guda jiro dhammeystirka doorashooyinka.
2. Waxa uu baabi’iyey dhammaan wixii magacaabis iyo go’aan maamul ah oo taabanaya wax ka beddelka Hay’adaha gudaha ee dowladda iyo shaqaalaha Rayidka ah, laga soo bilaabo maalintii la dhaariyey Xildhibaannada Baarlamaanka ee 14-ka Abriil 2022.
3. Xeerkan wuxuu baabi’inayaa isbeddelada maamul ee lagu sameeyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Ku-simaha Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Hay’adda Tayo Dhawrka Qaranka iyo xil ka qaadis kasta oo la sameeyay wixii ka dambeeyay taariikhda aan kor ku xusan.
4. Farmaajo wuxuu mar kale farayaa dhammaan hay’adaha Dowladda inay ka fogaadaan xilligan xaasaasiga ah in xilalka iyo hantida dadweynaha looga faa’iideysto dano gaar ah iyo si aan u adeegayn danta guud ee dalka, qof walbana lagula xisaabtamayo ku takrifalka hantida iyo awoodda qaran.
5. Farmaajo wuxuu adkaynayaa in hay’adaha dowladda ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo dhaawici karta sumacadda dowladda iyo hay’adaheeda.
Arrintan ayaa imaaneysa kadib markii Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo laba wasiir oo ka mida xukuumadda oo xil ka qaadis ku sameeyay agaasimeyaal iyo madaxda hay’ado gacansaar la lahaa Maxamed C/llaahi Farmaajo.
