Xogheynta Baarlamaanka ayaa farriimo ku saabsan kulanka Berri ee Golaha shacabka yeelanayo u dirtay xildhibaannada oo loo sheegay waqtiga iyo ajendaha.
Fariinta la gaarsiiyey xildhibaannada ayaa u qorneyd: “Mudanne Xildhibaan Berri oo Sabti ah oo ay Tariikdu tahay 1-da May, waxaa jira Kulan Gaar ah. Agendaha: Hadal Jeedinta Madaxweynaha JFS; Saacadu waa 09:00 subaxnimo”.
Fadhiga Berri ayaa lagu wadaa inuu Madaxweynaha xilligiisu dhammaaday khudbad u jeediyo Qeyb ka mida Baarlamaanka, isagoo ka codsan doona inay ka laabtaan muddo kororsigii ay 12-kii April 2-da sano ku darsadeen, kaasoo ay ka hor yimaadeen maamul Goboleedyada dalka, Musharixiinta mucaaradka iyo Beesha Calaamka, magaalada Muqdisho-na ka dhaliyey iska hor imaadyo.
Halka Arrin ee fadhiga Berri laga filayo ayaa ah inuu Golaha Shacabka mar kale isla qaato Heshiiskii 17-ka September oo ay laba toddobaad ka hor uun laaleen, wuxuuna kulankooda dhacayaa maalin fasax ahayd oo ku beegan 1-da May (Maalinta Shaqaalaha Adduunka)
Farmaajo oo soo dhoweeyay dib ugu noqoshada heshiiskii Doorashada 17-ka September ayaa loo arkaa inuu Baarlamaanka ugu laabanayo si uu isaga fogeeyo weji gabaxa kasoo gaaray muddo kororsiga, waxaana la filayaa inay Baarlamaanka mar kale aqbalaan arrintan, iyadoo aanu jirin dariiq kale oo u furan.
Dad badan ayaa Farmaajo kula taliyey inuu xilka iska wareejiyo ama ugu yaraan Hay’adaha Amniga iyo Doorashada faraha kala baxo, kuna wareejiyo Ra’iisal wasaaraha taasoo aad ugu adag, rajo badanna laga qabin.
Guddoonka iyo xildhibaannada ku dhow Madaxtooyada ayaa beeniyay warar si weyn loo faafiyey oo ku saabsan in la diyaarinayo Mooshin xilka looga qaadayo Ra’iisal wasaaraha.
