Sunday, July 13, 2025

Farriin loo diray Senatoorada Aqalka Sare iyo Ajendayaasha horyaalla Shirkooda koowaad.

Xogheynta Aqalka Sare ayaa farriimo wargelin ah u dirtay cawa xenatoorada Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad oo Berri kulankoodii ugu horeeyay ee rasmi ah ku yeelanaya magaalada Muqdisho.

Farriiinta loo diray Xubnaha aqalka Sare ayaa lagu ogeysiiyey ajendayaasha kulanlooda Berri, kadib markii la dhaariyey Khamiistii 14 April 2022, waxaana guddoominaya Guddoomiyaha KMG ah ee Maxamed Yuusuf Cali (Gaagaab).

“Xildhibaanada cusub ee Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa lagu wargalinayaa in ay Berri oo ay taariikhdu tahay 16 Abril 2022 marka ay saacaddu tahay 10:00 Barqanimo yimaadaan kulanka Golaha” ayaa lagu yiri qoraalka loo diray xubnha Aqalka Sare.

Ajendayaasha kulanka Berri ee Aqalka Sare ayaa kala ah:

1- Warbixinta guddoonka KMG ee Howlaha Aqalka horyaala iyo

2- Qeybinta habraacyada doorashada Guddoonka iyo madaxwaynaha.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON