Madaxweynayaasha Dowlad Goboledyada Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo K/Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa soo saaray War-murtiyeed jawaab u ah warkii maanta kasoo baxay madaxweynayasha Puntalnd iyo Jubbaland.
Saddexda madaxweyne Goboleed oo hore heshiiska Doorashada ula saxiixday Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan go’aamadii shirkii wadatashiga Puntland iyo Jubbaland ee Garowe, ayna bogaadinayaan inay labadaas maamul ogolaadeen inay taladooda ku biiriyaan go’aanadii shirkii Dhuusamareeb III.
Waxay kaloo Madaxweynayaasha Galmudug Hirshabelele iyo K/Galbeed soo dhoweeyeen shir ay yeeshaan Madaxda dowladda Federaalka iyo Puntland & Jubbaland; si loo dhammeeyo wixii is-fahamdarro ah ee jira, si loo amba qaado Doorasho waqtigeeda ku dhacda. Waxayna diyaar u yihiin inay shirkaasi ka qeyb ka noqdaan.
Akhriso War-murtiyeedka
