Maamulka Galmudug ayaa degdeg u bilaabaya Doorashada Golaha Shacabka oo xildhibaannadii ugu horeeyay lagu wado in la doorto todoobaadkan.
Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in maanta la bilaabay diiwaangelinta Musharixiinta buuxiyey shuruudaha, isla markaana bixiyey lacagaha is-diiwaan gelinta, waxaana qaarkood la siiyey Shahaadda Musharximo ee Golaha Shacabka.
Musharixiinta qaatay Shahaadada waxaa ka mida Musharax Yuusuf Geelle Ugaas oo dhowaan iska casilay xilkii Senatoor ka tirsan Aqalka Sare, haddana u sharxan kursi ka mida Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka oo la sheegay inuu si fudud ugu guuleysan doono.
Waxaa kaloo Guddiga Doorashada Galmudug uu maanta guddoonsiiyay Shahaadda Musharaxnimada Musharax Mahad Cawad Cabdalla, guddoomiye ku xigeenkii hore ee Golaha shacabka oo mar kale u sharxan xilka kursiga Golaha shacabka ee Beeshiisa, kaasoo la sheegay inuu dib u soo laabanayo.
Shanta kursi ee Galmudug lagu dooranayo oo ka tirsan Golaha shacabka ayaa u badan kuraas lasii ogyahay cidda kusoo bixi doonta, waxaana laga cabsi qabaa in Doorashada Golaha shacabka ee Galmudug ay la mid noqoto tii Aqalka Sare.
