Tuesday, July 1, 2025

Galmudug oo Lix Senator kusoo saartay Gacantaag! (Dhegay iyo Dhegdheer oo mar kale soo laabtay)

Laba ka mida Senatoorada caanka ah ee Aqalka Sare ayaa mar kale kusoo baxya doorashada ka socota magaalada Dhuusamareeb ee Aqalka Sare.

Kursiga koowaad: Waxaa la filayay inay ku tartamaan Musharax Saciid Siyaad Shirwac iyo Maxamed Daahir, waxaana tanaasulay Maxamed Daahir, waxaana Sidaas kusoo baxay oo noqday Senatorkii ugu horeeyay ee Galmudug Doorashada Aqalka Sare ee Dhuusamareeb kasocota Saciid Siyaad Shirwac oo gacantaag loogu codeeyay.

Kursigii labaad ee maanta 12 Ogost 2021 ee Baarlamaanka Galmudug maanta lagu doortay ayaa waxaa kusoo baxay Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey), kadib markii uu tanaasulay Daahir Faarax Fiidow; waxaana ogolaaday 87 cod, hal Xildhibaan ayaa diidey halka mid kale ka aamusey.

Kursigii Saddexaad oo la filayey inay ku tartamaan Senator Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhegdheer) iyo Guutaale waxaa tanasulay musharaxii kale, iyadoo codkii kalsoonida ee loo qaaday ay ogolaadeen 86 xildhibaan, waxaana diiday 2, halka ay ka amuseen 2 kale.

Kursigii Afraad: Waxaa ku tartami lahaa Samsam Daahir Maxamuud iyo Farxiyo Maxamed Guure, waxaana tanasulay Farxiyo taasoo keentay in codka kalsoonida loo qaado Senator Samsam Daahir, waxaana ogolaatay 89 xildhibaan mana jirin cid ka aamustay ama diiday.

Kursigii Shanaad: Waxaa ku tartami lahaa C/xakiim Macalin Axmed iyo haweeneyda Ismahaan Cabdi Xuseen, laakiin markii ay sheegay inay ka hartay oo ay u tanaashushay, codkii loo qaadayna waxaa ogolaaday 86 cod, waxaa diiday hal xildhibaan, waxaan ka aamusay 2 xildhibaan.

Kursiga Lixaad: Waxaa kursigan ku tartami laha Duniyo Maxamed Cali iyo Khadra C/llaahi Isxaaq, laakiin waxa tanasushay eedadeed oo ay isaga hartay Khadra C/llaahi, taasoo keentay in cod gacantaag ah u qaadaan Baarlamaanka Galmudug, waxaana ogolaaday 88 xildhibaan, waxaana diiday Hal xildhibaan.

Waxa maanta ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ayaa ahaa magacaabid iyo xulasho ay gacantaag ku ayideen xildhibaannada Galmudug, iyadoo aanu jirin wax kursi ah lagu tartamay. ama cod qarsoodi ah loo qaaday.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON