Odayaal, Saraakii, siyaasiyiin iyo waxgarad ka tirsan Beesha Murusade ayaa shir ay ku sheegeen magaalada Muqdisho ku taageeray heshiiskii Doorashada ee lagu gaaray magaalada Muqdisho.
Kulanka oo ay soo abaabuleen garabka Beesha ee taageersan Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Farmaajo ayaa loogu mahadceliyey kaalintii uu ka qaatay heshiiska Doorashada marki uu arrinta ku wareejiyey Ra’iisal wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble.
War-saxaafadeed laga soo saarya kulanka ayaa lagu sheegay inay Beesha Murusade ay tahay Beel jecel nabadda, sharciga iyo dowladnimada oo aysan metelin dadka ka shaqeynaya burburinta qaranka Soomaaliyeed, sida lagu yiri War-saxaafadeedka.
Shirka wuxu raaligelin ka bixiyey shirkii ka dhacay Tropical Village 22-kii May 2021 oo la sheegay inuu ahaa shir Qaran-dumis ah lagu abaal mariyey dadkii barakiciyey dadka maatada ah ee magaaalada Muqdisho. (Akhriso Warkaasi)
Shirkan waxaa lagu taageeray heshiiskii Doorashada ee Afisyoone 27-ka May 2021, waxaana loogu mahad celiyey intii ka qeyb qaadatay Ra’iisal wasaaraha, madaxda maamul Goboleedyada iyo dhinacyada kale.
