Wednesday, July 9, 2025

Garabyada xiriirka K/Cagta Somaliya oo laba Guddoomiye ku doortay Hoteelo ku yaalla Muqdisho

Waxaa magaalada Muqdisho maanta ka dhacay laba doorasho oo is barbar socday, kuwaasoo lagu doortay laba guddoomiye oo mid kasta sheeganaya inuu hoggaamiyo xiriirka Kubadda Cagta ee Soomaaliya.

Doorashadan oo in muddo ah khilaaf ka taagnaa, laba garabna ay isku heysteen, ayaa maanta la qabtay laba doorasho oo kala duwan, doorashada hore ayaa ka dhacday Hotelka Elite ee magaalada Muqdisho, iyadoo uu tartamayay hal musharax la shaaciye in halkaas loogu codeeyay Cali Cabdi Maxamed Cali (Shiino) inuu noqdo Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta ee Soomaaliya.

Dhinaca kale shir kale oo ka dhacay Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho ayaa koox kale waxay shaacisay inay ku doorteen inay Guddoomiyaha Xiriirka kubadda cagta inuu noqdo  Xasan Aadan Xaaji Yabarow Wiish.

Laba garab ee Xiriirka Kubadda Cagta u qeybsan yahay ayaa lagu fadhilmay in la isu keeno, waxaana Wasaaradda Isboortiga la sheegay inay la kulantay culeys uga yimid Madaxda Sare oo keenay inay Wasaaradda amniga fasaxdo shirarka is khilaafsan ee xiriirka Kubada Cagta.

Dhaqaalaha badan e lagu helo magaca xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta oo intiida badna ay bixiso FIFA ayaa kalain weyn ku leh loolanka xilka sare ee Xiriirka Kubadda Cagta dalka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON