Wararka laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya in musharax saaka ka tanaasulay xilka madaxweynaha uu mar kale isku sharxay madaxweyne ku xigeenka Puntland.
Musharaxa Saadiq Eenow oo manat gelinkii hore ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay tartaranka xilka madaxweynaha Puntland, ayaa Galabta mar kale ku dhawaaqay, inuu u sharxan yahay xilka madaxweyne ku xigeenka Puntland.
Arrintan ayaa ka danbeysay heshiis dhex maray Musharax Saadaq Eenow oo kasoo jeeda Gobolka Bari iyo murashaxa kale ee Dr. Cali Ciise Cabdi oo sigu u tartamaya xilka madaxweynaha Puntland, balse soo jeeda gobolka Sool, iyadoo aan looga baran awood qeybsiga Puntland in qof kasoo jeeda gobolka Sool uu madaxweyne ka nood Puntland.
Qorshaha cusub ee musharixiinta Dr. Cali Ciise iyo Saadaq Eenow ayaa u muuqda mid aan shaqeyn karin xlligan, waxaana tartanka ku jira musharixiin fara badan.