Saturday, July 12, 2025

Golaha Amniga Q/Midoobay oo War Cusub soo saaray. “Waa in Madaxda Soomaalida si degdega oon shuruud lahayn..”

Dallaka Xubnaha ka ah Golaha Ammaanka Qaramad Midoobay ayaa muujiyeen sida ay uga walaacsan yihiin sii socoshada is-mari waaga siyaasadeed iyo khilaafaadka Doorashada ee u dhexeeya hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Soomaaliya.

Xubnaha Golaha Ammaanku waxay hoosta ka xariiqeen in is afgaradku muhiim u yahay qaab kasta oo doorasho oo si guul leh lagu gaarsiiyo dalka. Waxay caddeyeen heshiiskii 17-kii Sebtember 2020, inuu weli yahay aasaaska kaliya ee ay ansixiyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhammaan Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka.

Qoraalka Golaha Amaanka Q/Midoobay ayaa lagu sheegay in is-afgarad laga gaaro arrimaha doorashooyinka ay taageeri doonto sii socoshada horumarka Soomaaliya iyo dadkeedaba. Waxay ugu baaqeen dhammaan dhinacyada Soomaalida inay diidaan rabshadaha, ayna dib u bilaabaan wadahadalka si degdeg ah oo aan shuruud lahayn.

Waxay ugu baaqeen hoggaamiyeyaasha Soomaaliya inay aqoonsadaan oo ay ka anba qaadaan qeybaha badan ee heshiiska horay looga gaaray, si loo xalliyo khilaafa Doorashada inta ka harsan, iyo in wax walba laga hor mariyo danaha dadka Soomaaliyeed, inta lagu gudajiro geeddi-socodka doorashooyinka ee ay Soomaalidu leedahay, ee ay Soomaalidu horseedka ka tahay.

Waxay caddeyeen inay diyaar u ihiin gaacan siin, iyadoo loo marayo UNSOM oo kaashaneysa AMISOM, Midowga Afrika (AU), Midowga Yurub, Urur Goboleedka IGAD iyo la-hawlgalayaasha caalamiga ah.

Xubnaha Golaha Ammaanku waxay sheegeen inay tixgeliyeen wadahadalka Madaxweyne Farmaajo uu la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ahna Guddoomiyaha Midowga Afrika, Felix Tshisekedi ee ka dhacaay magaalada Kinshasa 19-kii Apriil. Waxay muujiyeen taageeradooda iyo dhiirigelinta dadaallada caalamiga ah ee uu gobolku horkacayo si ay gacan uga geystaan ​​sidii dhinacyada dib loogu soo celin lahaa miiska isla markaana loo fududeyn lahaa wadahadallada loo dhan yahay.

Xubnaha Golaha Ammaanku waxay carrabka ku adkeeyeen in khilaafka taagan ee ku saabsan qaabka doorashada uusan kaliya halis ku ahayn horumarka dhibaatada laga soo maray horumarka, laakiin uu indhaha ka weecinayo dhibaatooyinka taagan sida daadadka, abaaraha, ayaxa, aafada COVID-19, iyo la-dagaalanka argagixisada.

Golaha Ammaanku waxay xusay horumarka la taaban karo ee laga sameeyay tobankii sano ee la soo dhaafay Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin amniga, dimuqraadiyadda, dib u habeynta siyaasadeed iyo horumarinta dhaqaalaha, gaar ahaan cafinta deynta.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON