Tuesday, June 24, 2025

Golaha Wasiirada xilka sii haya oo ka noqday Go’aan lagu cambaareyn lahaa Mareykanka iyo..

Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya ee xilka sii haya ayaa ka noqday war lagu cambaareyan lahaa Mareykanka iyo Midowga Yurub oo ka hor yimid tallaabadii Baarlamaanka ka qaaday xukuumadii Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.

Shir uu guddoomiyey Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ee xilka sii haya waxay shalay ku sigeeen inay soo soo saaraan cambaareyn ka dhan ah Mareykanka iyo Midowga Yurub, taasoo markii dambe lagu bedelay baaq ah inay dalalka shisheeye iyo hay’adaha caalamiga ah dhowraan madax bannaanida iyo sharciyadda Hay’adda dowladda.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa waxaa ka careysiiyey go’aanno adag oo dowladda Mareykankan ay si weyn uga hor timid tallaabadii uu Guddoomiyaha Baarlamaanka ku sheegay in kalsoonidii lagala noqday xukuumadii Xasan Cali Kheyre, wuxuuna qas-wadayaal aanu magacaabin ug hanjabay inuu tallaabo ka qaadi doono.

Dhinaca kale Midowga Yurub ayaa sharci darro ku tilmaamay qaabkii Baarlamaanka u maray kalsooni kala noqashada xukuumadda Ra’iisal wasaare Kheyre.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON