Monday, July 14, 2025

Golaha Wasiirada Xukuumadda Somalia oo ansixiyay Heshiis Milateri oo ay gaareen Somalia iyo Turkiga

Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa kulankoodii toddobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ku ansixiyey Heshiis ay gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo ku sabsan tababarrada Ciidamada.

Shirka Golaha wasiirada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa looga hadlay qorshaha Deyn cafinta, Dar-dar gelinta qorshaha dib-u-eegisa Dastuurka iyo tayeynta shaqaalaha dawladda.

Waxaa kaloo shirka lagu soo bandhigay Xeer Ra’iisul Wasaare, Number 47 oo sheegaya habraaca heshiisyada dawladda federaalka oo faraya hay’ad iyo wasaarad waliba ee dawladda ka tirsan inay ku salayso heshiisyada iyo is-afgaradyada ay gelayso si loo haleeshiiyo hannaanka dawlad wanaagga dalka.

Golaha Wasiirada ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyey heshiiska oo ay hore uk kala saxiixdeen Wasaaradaha Difaaca labada dal, wuxuuna taasoo dowladda Turkiga u ogolaanaya inay tababarto ciidamada Xoogga Dalka, taasoo qeyb ka ah iskaashiga labada dal.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON