Wasiirkii hore ee Waxbarashada xildhibaan C/llaahi Goodax Barre ayaa sheegay in Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xusen Rooble uu la mid yahay Ra’iisal wasaarihii ugu danbeeyay dowladii Siyaad Barre ee dagaalku ku dhacay Maxamed Xawaadle Madar.
Goodax ayaa sheegya in Rooble iyo Maxamed Xawaadle Madar ay dhinacyo badan iska shabahaan sida in iyagoo waxba heynin ay doonayaan inay xilka iska sii joogaan, wuxuuna ka digay in xaalada dalku ku socdo iyo doorashada boobka ah ee uu wado Farmaajo ay horseedi doonto qalalaase iyo dagaal sokeeye.
Isagoo wareysi siiyay Barnaamijka ‘Hanoolaato’ ee Online-ka ah ayuu C/llaahi Goodax si weyn u dhaliilay Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta ee loo dhiibay Doorashada, wuxuuna sheegay in kadib markii uu tegay dalka Qatar uu isbedel weyn ku yimid, ayna ka muuqato in heshiis lagu yahay in doorashada jiitanto oo la daahiyo, lana boobo si uu Farmaajo u soo saarto xildhibaanno dib u doorta, taasoo dahlia doonta dagaal, sida uu yiri.
Maxamed Xawaadle Madar oo ka mid ahaa saraakhiishii Kacaanka ayuu Maxamed Siyaad Barre xilka Ra’iisal wasaaraha u magacaabay Bishii September, 1990, isagoo xilka hayey ilaa January 24, 19919 Wax ka yar 5 bilood). waxaana ku dhacay dagaalkii sokeeye ee Xamar looga saaray Siyaad Barre.
