Sunday, July 13, 2025

Goormuu xilka Wareejinayaa Madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo?

Waxaa socda qabanqaabada munaasabadda xil wareejinta madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo oo xilka banneynaya, kana tegaya Villa Somaliya kadib in badan 5 sano.

Guddiga qabanqaabada xil wareejinta oo sidoo kale diyaarinaya xaflada xil wareejinta ayaa la sheegay inay qorsheeyeen inuu madaxweynaha cusub xilka la wareego Axadda 22-ka May 2022.

Xasan Sheekh ayaa hadda degan hotel ku yaalla agagaarka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, waxaana uu wadaa qaabilaado joogto ah iyo kulamo uu la yeelanayo madaxda Soomaalida iyo Wakiilada beesha caalamka.

Farmaajo ayaa wararku sheegayaan inuu muddo kooban ku sugnaan doono Muqdisho, kadib marka uu xilka wareejiyo, kadibna uu dibada u safri doono, iyadoo hoy looga diyaariyey magaalada Muqdisho.

Xasan Sheekh ayaa markii labaad bilaabaya shaqada xilka Madaxweynaha, isagoo ahaa madaxweyne intii u dhaxeysay 2012-2017, waxaana xilligaasi soo shaac baday kooxdii Damjadiid ee xukunka isku koobtay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON