Guddiga Doorashada heer federaal ayaa bogaadiyey dhammeystirka doorashada Aqalka Saree ee maamulka Jubaland oo shalay la gu doortay afartii xildhibaan ee harsaneyd.
Xubnaha Aqalka sare ee ilaa hadda la doortay ayaa hadda gaaray 52 xubnood oo ka mid ah 54-ta xubnood ee Goluhu ka koobanyahay, waxayna labada (2) xubnood ee keliya aa ku dhimman yihiin Maamul Goboleedka Galmudug.
Gudiga ayaa ugu baaqay maamulka Galmudug inay soo dhamaystiraan xubnaha Aqalka Sare ee ku dhiman, si Aqalka Sare u dhameystirmo.
Xubnaha Aqalka Sare ee qoonddada haweenka ay ka heleen ayaa hadda14 xubnood oo u dhiganta 26% tirada guud ee Aqal sare ka kooban yahay.
Dhinaca kale Guddiyada Doorashooyinku waxay sheegeen inay diyaar garow xoogan ugu jiraan hirgelinta Doorashooyinka Golaha Shacabka oo dhawaan la filayo inay bilaabato.
