Monday, June 23, 2025

Guddiga Doorashada FEIT oo ku dhawaaqay inuu Wafdi u dirayo Magaalada Baydhaba

Guddiga Doorashada Heer Federaal ee FEIT ayaa goor dhoweyd shaaciyey inuu xubno ka mida Guddiga u dirayo magaalada Baydhaba ee Maamulka K/Galbeed.

Qoraal kasoo baxay Guddiga FEIT ayaa lagu yiri: “Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT ayaa xubno ka mid ah Guddiga u diraya Berri Subax 13.04.2022 Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya”

Qoraalka Guddiga ayaa lagu sheegay in ujeedada socdaalka xubnaha Guddiga Doorashada Heer Federaal ku tegayaan Baydhaba ay tahay ‘Si xal looga gaadho tabashada Maamulka Koonfur Galbeed’.

Ad

Faahfaahin dheeraad ah lagama bixin socdaalkan oo imaanaya maalin uun ka hor xilliga la qorsheeyay in la dhaariyo xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka Federaalka.

In ka badan 70 xildhibaan oo laga soo doortay K/Galbeed ayaa diidan inay qaataan shahaadadda xildhibaannimo, iyagoo tallaabadaas uu ka dalbaday madaxweynaha K/Galbeed oo diidan kuraas lagu doortay Baydhaba oo Guddiga FEIT ay hakiyeen.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON