Guddiga Doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed ayaa dalab culus oo toos ah u diray madaxwaynaha Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).
War kasoo baxay Guddiga ayaa Madaxweyne Laftagareen looga dalbaday, laguna tirtirsiiyay in uu u soo gudbiyo liiska musharaxiinta Aqalka Sare ee degaan doorashadoodu tahay magaalada Baydhaba.
Codiga Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed sida tooska ah ugu riday Madaxweyne Lafta-gareen ayaa ka danbeysay kadib doorasho maanta ka bilaabatay magaalada Kismaayo oo afar senator oo ahaa kuwii ugu horeeyay kusoo baxeen.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA GUDDIGA SEIT EE K/GALBEED U DIRAY MADAXWEYNE LAFTA-GAREEN
Codsi soo gudbin Liiska musharixiinta u tartameya Golaha Aqalka Sare
Mudane Madaxweyne, anagoo tixraaceyno heshiisyadii doorashada ee 17 September, 1 October, 27 May, iyo 29 June. Anaga oo raaceyno sida shaxda doorashada loo dajiyay ee ku mudeysan heshiisyadii iyo jadwalka ay soo saareen Madaxda Qaranka iyo Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer Federaal.

Anagoo cadeeneena inaan diyaar u nahay gudashada waajibaadka Qaran, iyada oo aan raaceyno habraaca Doorashada Golaha Aqalka Sare, waxa aan halkan kuugu soo gudbineynaa codsi ku aadan inaad noo soo gudbiso liiska magacyada u sharxan Aqalka Sare ee dalka.
Mudane Madaxweyne, iyada oo aan wada ogsoonahay in lagu guda jiro waqtigii loo asteeyay qabashada doorashada, laga marmaantahay taaba gelinta iyo isku dabaridka howlaha guddiga, anaga oo ku kalsoon mas’uuliyadda aad u heyso shacbiga reer Koonfur Galbeed , waxaan markale kaa codsaneynaa inaad noogu soo gudbiso Liiska musharixiinta u tartamaya Aqalka Sare.
Ugu dambeyn Mudane Madaxweyne waxaan kaa rajeyneynaa inaad naga aqbali doontid codsigan.
