Sunday, July 6, 2025

Guddiga Gurmadka Qarixii Xarunta G/Banadir oo 5 Qodob u diray Madaxweyne Farmaajo

Guddigii Gurmadka ee Qarixii xarunta maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo gabagabeeyay qeybtii hore ee gurmadka degdegga ahaa, waxayna soo saareen warbixin hordhac ah oo ku saabsan qasaarihii ka dhashay qaraxa, dhaawaca dibadda loo qaaday iyo 5 Qodob oo ay talo soo jeedin ugu jireen madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda sare ee dalka.

Guddiga oo uu guddoomiye u yahay Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta [Akhriso magacyada Guddiga] ayaa warbixintooda ku sheegay in tirada dhimashada qaraxii ka dhacay xarunta Gobolka Banadir ay gaartay 10 qof, iyadoo dhaawacuna yahay 9 qof oo kale, halka dibadda loo qaaday dhaawac 6 qof ah oo uu ku jiro guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

WARBIXINTA HOWLAHA GURMADKA

b. Maareynta Dhaawaca

  1. Waxaa la xaqiijiyey ilaa hadda dhimashada toban (10) qof iyo dhaawac gaaraya illaa 9 ruux oo uu ku jiro Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
  2. Waxaa la helay liiska dhaawaca xaaladoodu aadka u liidato ee u baahan daryeel caafimaad oo dibedda ah, xamilina kara safar dibedda ah oo gaaraya 6 qof.
  3. Waxaa sidoo kale looga faa’iiday fursadda imaanshaha diyaaradda dhaawacyadii shacab kale oo caafimaadkooda dalka wax looga qaban waayey kuwaas oo wax ku noqday Kismaayo (3), Muqdisho (2)& Boosaaso (1). Sidaasi darteed isu-geyn waxaa la qaaday 12 qof oo dhaawac ah.
  4. Waxaa isla habeenkiiba loo sameeyey baasaboorro ay ku safraan dhaawaca la qaadayo iyo dadka la safraya ee aan lahayn baasabooro.

     t. Dhimashada:

  1. Tirada dhimashada la xaqiijiyay waa 10
  2. Waxaa la qorsheyeey sidii loo heli lahaa xiriirka ehelada dadka geeriyoodey, lala wadaagay, lagalana tashtay tacsida, qorshaha iyo goobta salaadda iyo duugta.
  3. Allaha u naxariistee waxaa lagu aasey 9 kamid ah dadka geeriyoodey goobihii loo qorsheeyey.

TALO SOO JEEDIN LOO DIRAY MADAXWEYNE FARMAAJO IYO MADAXDA DOWLADDA

Warbixinta uu gudbiyay madaxda sare ee dalka wuxuu ku taliyay:

  1. In hay’adaha ammaanka ay si degdeg ah u soo gudbiyaan natiijada baaritaankooda si loo ogaado sida ay wax u dhaceen.
  2. In lala xisaabtamo ciddii lagu helo inay qeyb ka ahayd shirqoolka ama ka gaabisay mas’uuliyaddii saarneyd.
  3. In kulan duco ah loo sameeyo mas’uuliyiintii ku shahiiday qaraxa.
  4. In meel lagu ogaado Xaasaska iyo Carruurtii ay ka tageen shuhadada.
  5. In guud ahaan la kordhiyo diyaar-garowga dal ahaaneed ee xaaladaha noocan oo kale ah, loona sameeyo qorshe dhammeystiran oo isugu jira ka-hor-tag iyo la-tacaalid intaba.

Guddiga ayaa ugu dambeyntii u mahadceliyay dalka Qatar oo so degdeg ah gurmad ugu soo fidiyay dhaawacyadii qaraxan. Wuxuu sidoo kale Guddigu u mahadceliyay madaxda ugu sarreysa dalka sida Madaxweynaha, Ra’iisul-waasaaraha iyo Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka oo iyagu saacad saacad ula socday hawlaha Guddiga iyo sidii loogu fududeyn lahaa hawlahooda.

Eng. Cabdi Cashur Xasan Guddoomiyaha Guddigga Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta xukuumadda Somalia

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON