Tuesday, June 24, 2025

Guddiga Khilaafaadka Doorashada oo joojiyey Natiijada Kursiga uu kusoo baxay Taliyaha NISA

Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka hakiiyey Natiijada Doorashadii ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee Kursiga HOP#067 oo uu kusoo baxay Agaasimaha KMG ah ee Hay’adda NISA Yaasiin C/llaahi Farey.

Kursigan oo muran badan dhaliyey, isla markaana odayga leh saxiixiisa uu dacwad ka gudbiyey ayey Guddiga Xalinta Khilaafaadka u hakiyeen dacwadda laga gudbiyey, waxayna sheegeen in natiijada ka hakiyey muddo toddobaad ah inta uu socdo baaritaanka ay ku sameynayaan sidii ay Doorashadu u dhacday.

Guddiga oo hore kursigii uu kusoo baxay Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed fasaxay markii ay sheegeen inay baareen ayaa hadda waxaa horyaalla tijaabadii ugu weyneyd ee lagu ogaanayo inuu awood u leeyahay oo uu go’aan qaadan karo iyo inuu yahay guddi aan waxba bedeli karin.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA

No photo description available.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON