Monday, July 14, 2025

Kursigii la hakiyey oo Doorashadiisu ka dhacday Baydhaba iyo Wiilkii uu watay Lafta-gareen oo kusoo baxay

Waxaa Magaalada Baydhabo socota doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#103 oo ay shalay hakiyeen Guddiga Doorashada Hee Federaal, kadib markii ay diideen Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed.

Kursigan waxaa laga hor istaagay inuu u taratamo Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, balse guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed ay ku adkeysteen in la qabanayo doorashadiisa, markii ay amar ka heleen madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Laftagareen.

Kursiga muranku ka taagan yahay ee HOP#103 oo doorashadiisa ay goor dhoweyd soo dhammatay waxaa kusoo baxay Maxamed Cali Xasan oo ahaa Wasiirka Wasaarada Howlaha Guud Koonfur Galbeed, kaasoo uu watay Madaxweynaha K/Galbeed, iyadoo uu la tartamay Mukhtar Cali Ibraahim.

Natiijada codeynta ayaa lagu sheegay in 78 cod uu helay Maxamed Cali Xasan, halka Mukhtar Cali Ibraahim uu helay 18 Cod, waxaana Xumaaday 4 Cod.

Kuraasta kale ee Doorashadooda ka dhaceyso Baydhabo ayaa waxaa ka mida:

Kursiga HOP189: oo uu horay ugu fadhiyay Sheekh Aadan Madoobe

HOP041: oo uu ku fadhiyo hadda Idiris Cabdi Dhaqtar

& Kursiga HOP042 oo ay horay ugu fadhisay Hani Maxamed Aadan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON