Guddiga Doorashooyinka Dadban 2020/2021 ee Heer Federaal oo dhismihiisa muranka ka taagan yahay ayaa soo saaray warkii ugu horeeyay ee saxaafadeed oo warbaahinta dowladda ay baahisay.
War-saxaafadeedka oo aanay cidna ku saxiixneyn ayaa lagu sheegay Guddiyada Doorashooyinka iyo xallinta khilaafaadka ay shir Jaraa’id u qabteen inay ku iftiimiyaan waxyaabihii u qabsoomay labadii toddabaad ee ay ku xareysnaayeen Hotelka Decale ee gudaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.
Guddigan oo ay magacawday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka yimid Dowlad Goboleedyada ayaa markii la dhisay kadib waxay shaaciyeen howlaha soo socda:
1. Tababarka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban, Guddiga Xallinta Khilaafadka iyo Guddiyada maamulaya doorashooyinka Somaliland iyo Banaadir.
2. Qabyo-qoraalka Xeer Hoosaadka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal.
3. Xeerka Hufnaanta Doorashooyinka oo tilmaamaya sida ay doorashooyinka u dhacayaan, sida diiwaangelinta loo sameynayo iyo shuruudaha laga rabo dadka tartamaya iyo cod-bixiyeyaasha.
4. Xeerka Odayaasha Dhaqanka, Bulshada Rayidka ah iyo Ergada Doorashada.
5. Xeerka Habraaca Diiwaangelinta Ergada.
Waxay sheegeen inay gacanta ku hayaan shuruudaha habraaca jadwalka doorashooyinka iyo diiwaangelinta musharrixiinta u taagan kuraasta Golaha Shacabka ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo habraacyo kale oo muhiim u ah qabsoomidda doorasho hufan oo waqtigeeda ku dhacdo.
Waxaa hawlaha haatan socda kasoo qeybgalay kooram gaaraya 20 xubnood oo kamid ah 25-kii xubnood ee uu Dikreeto ku magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble 4tii Nofeembar 2020.

Guddiga intii uu shaqeynaayay wuxuu xiriiro joogta ah la yeeshay qaar kamid xubnaha 4ta ah ee ay soo magacabeen Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland. Xubnahaas walaalaheen ah ee magacaaban balse aan soo xaadirin kulamada waxay qaar kamid ah noo sheegeen in ay nagu soo biiri donaan marka ay ogolaansho ka helaan Madaxdooda.
Haddaba, annaga oo og in muddo bil ah uu jiray, haddana jiro dib u dhac jadwaleed oo saameeyay waqtiyadii loo ballansanaa in doorashada loo dareero, waxaan rabnaa inaan mar kale ku baraarujinno in ay sida ugu degdegsan noogu soo biiraan maadaana ay maalmo kooban uun ay naga xigto xilliga loo asteeyay doorashada Guddoomiyaha iyo Ku Xigeenkiisa oo diyaarinteeda aan hadda guddi u saarnay. Waa muhiim ah xilligan adag inaana waqti kale oo dheeri ah dalka laga lumin.
Mar kale waxaan rabnaa inaan halkan ka caddeyno in shaqada guddiga ay meel fiican mareyso, si dhakhsi ahna aan u guda gali doonno waajibaadka naga saaran inaan dalkan gaarsiinno doorasho waqtigeeda ku qabsoonta oo xor iyo xalaal ah.