Midowga Musharixiinta xilka Madaxweynaha ayaa wejigii labaad ee shirkooda xalay ka furmay magaalada Muqdisho, iyagoo raad-raac ku sameynayeen go’aanadii ay soo saareen iyo dejinta tallaaboyinka xigta ee ay qaadi doonaan.
Shirka ayaa musharixiina loogu qeybiyay shaqooyin kala gaara oo koox kasta loo xil saaray inay soo diyaariyo, waxaana Guddi hoosaadyada la sameeyay mid kasta loo xil saaray howl gaara oo qeyb ka ah ololaha mushariixiinta ugu jiraan in isbedel lagu sameeyo Guddiyada doorashada.
Afhayeenka Midowga Musharaxiinta Ridwaan Xersi Maxamed ayaa caddeeyay wixii ay Musharixiinta ka wadahadleen Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, isagoo xusay in Madaxweyne Qoorqoor ay ka dalbadeen inuu fuliyo go’aanadii ay soo saareen, si dalka ay uga dhacdo doorasho xor iyo xalaal.
Qorshooyinka shaqo Midowga Musharaxiinta diyaarinayaan ayaa waxaa ka mida shirar waaweyn iyo bannaanbaxyo lagu dalbanayo doorasho xalaal ah in dalka laga qabto, si culeys loogu saaro madaxweyne Farmaajo.
Waanwaan uu doonayey inuu Madaxweynaha Galmudug ku dhexdhexaadiyo Madaxweyne Farmaajo iyo Musharixiinta Mucaaradka ayaa u muuqata mid aan kalsooni badan lagu qabin, iyadoo laga war sugayo sida xaaladu isu bedesho.
