Tuesday, July 1, 2025

Guddiyada Heer Federaal iyo Jubbaland oo beeniyay in la hakiyey Doorashadii (Yaa faafiyey Qoraalka?)

Guddiyada Doorashada Heer Federaal FIET iyo Guddiga doorashada Jubbaland ee SEIT ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warqad la faafiyey oo lagu shaaciyey in la hakiyey Doorashadii.

War kooban oo lagu qoray Bogga Guddiga FEIT ayaa lagu sheegay inay warqadaasi tahay ‘been abuur’, halka Guddiga Doorashooyinka ee Jubbaland qoraal ay soo saareen ku shaaciyeen in lagu been abuurtay guddigooda.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in Warqadan oo ay qoreen xubno uu ka mid yahay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka heer Federaal Maxamed Xassan Cirro oo taageero ka heysta Madaxtoyada laga hordhacay oo ay faafiyeen xubno ku xiran Villa Somaliya.

Inta badan Madaxda Guddiyada Doorashooyinka Maamul Goboleedyada ayaa sheegay inaysan ka war heynin Warqadda soo baxday. Sidoo kale Guddiyada Doorashada Somaliland, Hirshabeelle iyo kuwa Banaadiriga ayaa beeniyay warqadan, kuna tilmaamay been abuur aysan qeyb ka aheyn.

Qoraalkan oo si habeysan loo qoray, laguna taageerayo xubnaha ka mida Guddiga Xalinta Khilaafaadka ee xilalka uu ka qaaday Ra’iisal wasaare maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa faafiyey xubno ka tirsan Guddiyada heer federaal ee taageersan Maxamed C/llaahi Farmaajo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON