Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland ee maanta xilka laga qaaday Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed) ayaa sheegay inuu sharci darro yahay xil ka qaadsitiida iyo codkii maanta Baarlamanka Puntland uu qaaday.
“Waxaanu leenahay nidaam iyo hannaan aanu ku shaqeynyo, waxaanu leenahay shuruuc uu ugu sarreeyo dastuurka. Haddaanu nahay Baarlamaanka, waxaan leenahay xeer-hoosaadka golaha. haddii aysan labadaas midna waafaqsanayn, waa xaaraan, waxna kama jiraan, mana ansaxayo”, ayuu yiri Dhoobo-daareed oo beeniyay eedaha la sheegay in loo heysto.
“Ma jirto xeer hoosaad aan jebiyay. Golaheyga si wanaagsan ayuu ku socday, tii shalay u dambeysay si fiican bay u qabsoontay. Guddoonkeygaan la tashanayey oo hareeraha iga fadhiyay, golahaan la tashanayay. Wax la wada qaatay bay ahaayeen. Waxaa na kala saaraya; in uu xaq yahay ama in uu xaraan yahay, waxa iigu qoran dastuurka iyo xeer hoosaadka, qaabka aan xilka ku waayi karo”, ayuu ku adkeysay guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo wareysi siiyey BBC-da.
Wuxuu kaloo sheegay in xildhibaanada culeys la saaray, loona qeybiyay lacag, isagoo yiri: “Anigu sifo sharci ah baan ku imid, sifo sharci ahna waan ku tagayaa”.
Kadib dagaal xalay dhex maray ilaalada Xarunta Baarlamaanka iyo ciidamada Puntland oo ay 3 qof ku dhinteenm ayaa saaka mooshin degdeg xilkii looga qaaday Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, markii Xildhibanaada Barlamaanka cod u qaadeen, waxaana xil ka qaadistiisa taageertay 49 mudane, halka 4 xildhibaanna ay ka aamustay.