Sunday, July 13, 2025

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Puntland oo ka hor yimid kulankii Musharax Kheyre & Max’ed Cirro

Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee Doorashooyinka Madaxda ban maamul Goboleedka Puntland Guuleed Saalax Barre ayaa ka hor yimid oo arrin aan habooneyn ku tilmaamay tallaabo uu qaaday Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka dadban ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka heer Federaal Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) ayaa shalay xaruntiisa ololaha doorashada ugu tegay mushrax Xasan Cali Kheyre oo uu wadahadal kula yeeshay, taasoo su’aalo badan dhalisay.

“Ma haboona in Guddiyada doorashadu kasoo dhex muuqdaan xarumaha ololaha musharaxiinta maadaama ay dhex u yihiin dhamaan musharaxiinta”. ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka madaxa bannaan ee Puntland Guuleed Saalax oo jawaab ka bixiyey kukankaasi.

Wuxuu intaas raaciyey inuusan hubin in kulankaasi duruuf gaar ahi keentay. “Waxaa muhiim ah in laga durko wax walba oo u muuqda ama keeni kara kalsooni darro” ayuu kusoo gabagaboobay qoraalkiisa guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Puntland oo degaanada Puntland ka wada diyaarinta Doorasho Qof iyo Cod ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON