Monday, June 23, 2025

Guddoomiye ku-xigeenada G/Banaadir oo iska fogeeyay tuhunka Qaraxii 24-ka July [Akhriso]

Qoraal ka soo baxay maamulka G/Banaadir ee uu xilka sii hayo Guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo Maaliyadda ayaa lagu sheegay in shirkii ka socday xarunta Gobolka Banaadir 24-kii July 2019 ee qaraxu k dhacay aanu ahayn Shir Amni.

Qoraalkan oo uu faafiyey afhayeenka Gobolka 10 Berri kadib qaraxa ayaa caddeyn ahaan lagu xoojiyey ajendaha shirka oo ay ka muuqato inuu ahaa shir ku saabsan TUBTA G/BANAAIR, waxaana la yaab leh Qoraalka Ajendaha shirkii maalintaasio oo aan la ogeyn xilliga la diyaariyey uu furitaanka shirka lahaa Guddoomiye Marxuum C/raxmaan Yariisow, isagoo qoraalka lagu xusay oo kaliya magaca guddoomiyaha, taasoo shaki abuurtay.

“Shirkii 24 july 2019 ka socday xarunta aqalka Dowladda Hoose ee Xamar in uusan aheyn shir Amni, oo uu ahaa Shirka Tubta oo loogu hadlo horumarada, adeegyada iyo Qorshayaasha Caasimadda…” ayuu yiri afhayeenka G/Banaadir Saalax Xasan Cumar.

Ad

Dad badan ayaa su’aalo ka keenay sababta keentay in hoolka shirka xilliga uu qaraxa dhacay uu kaliya ku sugnaa Guddoomiyaha, iyadoo ay maqnaayeen dhammaan afarta Guddoomiye ku xigeen ee uu leeyahay, waxaana dadka qaarkii ay tuhun culus u jeediyeen guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda G/banaadir Maxamed Tuulah oo ahaa qofkii ugu horeeyay ee maamulka ka mida oo ka hadla qaraxa ka dhacay xarunta Gobolka.

HOOS KA AKHRISO AJENDAHA MAANTA LA SHAACIYEY

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON