Friday, June 27, 2025

Guddoomiye ku-xigeenadii Baarlamaankii hore ee Jubbaland oo Dib loo doortay, iyadoo aan lala tartamin

Iyadoo maanta magaalada Kismaayo ay ka dhacday Doorashada Guddoonka Baarlamaanka labaad ee Jubbaland garabka Axmed Madoobe ayaa waxaa iyadoo aan lala tartamin lagu doortay si gacan taag ah labada guddoomiye ku xigeen ee Baarlamaankaasi.

Doorashadan ayaa ka dambeysay markii Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbalad dib loogu doortay Sheekh Cabdi Maxamed C/raxmaan; waxaana guddoomiye ku xigeenada la doortay ay kala yihiin: Aadan Khaliif Xaaji – Guddoomiye ku xigeenka kowoaad iyo Cabdi Baalley Cismaan guddoomiye ku xigeenka labaad. waxayna labadaba dib u hanteen xilalkooda iyadoo aanay cidna diidin.

Guddiga Doorashda ayaa sheegay in labada guddoomiye ku xigeen cod gacantaag ah loogu codeynayo, kadib markii la waayey cid la tartanta, sidaasina lagu shaaciyey inay ku guuleysteen xilalka guddoomiye ku xigeenada Baarlamaanka Jubbaland, arrintan ayaa ka dhigan in dhammaan guddoonkii Baarlamaankii hore ay dib u soo wada laabteen.

Doorashada guddoonka Baarlamaanka Jubbaland garabka Axmed Madoobe oo lagu doortay gacantaag iyo tartan xoog leh oo aan jirin ayaa muujisay halka ay u socoto doorasahda ay wadaan garabka Axmed Madoobe oo markii saddexaad la filayo in xilkaasi lagu maamuuso.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON