Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Yariisow ayaa markii labaad tan iyo markii uu xilka qabtay horraantii sanadkan weerar ku qaaday xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Yariisow oo shalay booqday guriga marxuum Axmed Dowlo oo si fool xun loogu dilay arrimo heybsooc ah ayaa ka sheegay in dad siyaasiyiin ah oo xildhibaanno ah ay doonayaan inay damiin ku sii daayaan dadka loo heysto dilka Marxuumka, wuxuuna sii daba dhigay inaysan ka yeeli doonin.
Warka Yariisow kadib ayaa kooxaha taageersan mucaaradka dowladda waxay u adeegsadeen xildhiban Xuseen Iidow oo suuqa geliyeen inuu yahay xildhibaanka u ololeynaya inuu damiin ku soo daayo denbiilayaasha, laakiin xildhibaanka ayaa beeniyay arrintaasi.
Dood badan ayuu guddoomiye Yariisow ka dhaliyey baraha bulshada iyo saxaafadda isagoo ka baaqsan karay xilli uu tacsi ugu tegay qoyska Axmed Dowlo eedeymo noocaasi ah oo aan macne lahayn, laakiin uu markii labaad dhexda u galay.
In warkiisa loo adeegsado xildhibaano ka mida Baarlamaanka qaarkood waxay ku keentay culeys kale oo aanu fileyn, iyadoo laga dalbaday inuu caddeeyo xildhibaannada uu ku eedeeyay inay raadinayaan damiin ku sii deynta dadkii ka dabeeyay weerarkii lagu dilay Axmed Dowlo.
Xidhibaanno uu ka mid yahay Xuseen Carab Ciise ayaa ka dalbaday guddoomiye Yariisow inuu caddeeyo xildhibaannada uu eedeeyay isagoo yiri: “Waxaan ka codsanayaa Guddoomiye Yariisow inuu si aan gambasho laheyn u sheego Xildhibaanada magacyadooda, waa nasiib darro iyo aflagaado waa inaad u cadeyso umadda Soomaaliyeed horteeda in golaha shacabka oo dhan oo aanan kala saarin kuwa arrintan sameeyay oo laga yaabo inay dad yar yihiin”.
C/raxmaan Yariisow ayaa sida caadadda u ahayd dib u gurasho kale sameeyay markii uu qoraal soo dhigay baraha bushada ku yiri: “Ma haboona in la siyaasadeeyo warkii ahaa in caddaalad la soo saaro danbiilayaashii ka danbeeyey falkii waxuushnimada ee loo geystay marxuum Axmed Dowlo oo Xildhiban Xuseen Iidow wax lug ah kuma laha damaanad raadinta falgaboodkan waana la siyaasadeeyey..”.
Xildhibaan Xuseen Iidow ayaa isna sheegay in C/raxmaan Yariisow laga doonayo inuu sheego Magacyada Xildhibaanada doonaya inay damaanad kusii daayaan Dadka u xiran Falkii Lagu Gubay Marxuum Axmed Mukhtaar Saalax ee aan loogu gefin sharafta xildhibannada Baarlamaanka.
Weerarkii hore ee Guddoomiye Yariisow ku qaaday xildhibannada Baalramaanka Federaalka ayuu bishii May 2018 ku eedeeyay inuu ka shaqeyn la’ yahay oo ay xafiiskiisa tuban yihiin, taasoo markii ay ka dhiidhiyeen xildhibannada ku qasabtay inuu cudurdaar bixiyo.
Lama oga waxa ku kalifay Guddoomiye Yariisow hadallada aan loo meel dayin ee xildhibaannada Baarlamaanka uu ku halgaado, waxaana la aaminsan yahay inay sabab u tahay culeyska saaran iyo xilka Gobolka oo ka qaro weynaaday.
Guddoomiye Yariisow oo lagu Qasbay inuu Raaligelin Qoraal ah u diro Guddoonka Baarlamaanka [Akhriso]