Xubno ka tirsan Guddiga doorashada Galmudug ayaa shaaciyey inay xilkii ka qaadeen Guddoomiyihii Guddigaasi Maxamed Dahir Guuleed.
Qoraal lagu faafiyey bogga Guddigaasi ayaa sidoo kale lagu sheegay in kale Guddiga doorashada Galmudug ay Guddoomiye u doorteen Maxamed Qaasim Turaabi oo ahaa Xoghayihii Guddiga.
Guddoomiyaha xilka laga qaaday Maxamed Daahir ayaa ku gacan seyray arrintan, wuxuuna caddeeyay in warqada xil ka qadsitiisa ay tahaya been abuur iyo sharci darro. “Warqadaan waa been Abuur. Shir guddiga doorashada Galmudug oo dhacay ma jiro” ayuu yiri qoraal kooban oo uu so dhigay bartiisa Facebook.
Xogta la helay ayaa sheegeysa inuu Guddiga Doorashada Galmudug oo intooda badna ku kacsanaa Guddoomiyaha ay si gaadmo ah xilka uga tuureen, isla markaana ay boobsiiyeen doorasho degdega, taasoo aan la ogeyn sida ay ku dhaqan geli doonto.
