Tuesday, July 1, 2025

Hanti dhowrka Guud: Lacag ka badan 18 Milyan Dollar ayaa ka maqan Deeqihii la siiyey Dowlada 2018 [Warbixin Culus]

Hanti dhowrka guud ee Qaranka Maxamud Maxamud Cali ayaa soo saaray Warbixintii ugu cusleyd uguna dhammeystirneyd ee ku saabasan isticmaalka Miisaaiyadda dowladda Soomaaliya ee sanadkii 2018, iyadoo lagu soo bandhigay lacago ka maqan deeqihii caalamku siiyey dowladda Soomaaliya.

Warbixina Hantidhowrka oo ah mid dheer oo dhinacyo badan taabaneysa sida Madaxtooyada, Baarlamaanka, Xafiiska Ra’iisal wasaaraha iyo Wasaaradaha oo dhammaantood ku lug yeesay maamul xumo maaliyadeed iyo xisaab celin la’aan ayaa waxaa si gaara uga muuqda in lacag ka badan 18 Milyan oo Doolar oo sanadka 2018 loogu deeqay dowladda Federaalka aysan ka muuqan xisaab xirka Miisaaniyadda dowladda.

Hanti dhowrka Guud ayaa Warbixintan ku sheegay sida soo soocta:

Soo koobida jahwareesan ee kaalmada dibadda

Falanqaynta kor ku xusan, kaalmada dibadda ee sannadka waxaa la dhimay (understated) US 18,386,732, maxaa yeelay dhammaan kaalmadda dibadda ee la siiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan lagu soo wada wareejin Khasnada Dhexe ee Dowladda si uu uga warbixiyo Xafiiska Xisaabiyaha Guud. Sidaa darteed, lacagta cadaanka ah iyo mida cadaanka u dhiganta iyo miisaaniyadda dheeriga ee dhammaadka sannadka 31 December 2018 ayaa waxaa laga dhimay (understated) US $ 18,386,732. Faahfaahinta waxaa lagu sharaxay jadwalka hoose: –

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON