Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka ayaa baaritaan ku bilaabay Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee maamulka iyo Maaliyadda Ibraahim Cumar Mahad-Alla (Ibraahim Dheere), kadib lacago fara badan oo Khasnadda dowladda hoose laga bixiyey intii uu ahaa ku-simaha Guddoomiyaha, kadib geeridii Marxuum C/raxmaan Cumar Yariisow.
Baaritanka ayaa yimid kadib markii ay dalbadeen madaxda dowladda Somalia iyo guddoomiyaha cusub ee G/Banaadir, waxaana saxiixa guddoomiye ku xigeenka Ibraahim Dheere ku baxay lacag ka badan Hal Milyan oo Doolar oo inteeda badan lagu qoray howlo ku saabsan tacsi iyo taageero Geeridii Yariisow iyo Qarixii xarunta G/Banaadir ka dhacay 24-kii July 2019.
Arritan oo markii ugu horeysay uu shaaciyey Goobjooge.net [Ka Akhriso halkan] ayaa baaritaanka hanti dhowrka uu saameyn ku yeeshay xafiiska maamulka iyo Maaliyadda G/banaadir ee Guddoomiye ku xigeenka Ibraahim Dheere uu maamulo, waxaana la sheegay in qeyb ka mida kharashka baxay uu isaga wareejiyey guddoomiye waaxeedyo u badan haween oo la shaqeeya.
Baaritaanka uu wado Xafiiska Hanti dhowrka Guud ayaa si weyn looga dareemay xarunta dowladda hoose ee Muqdisho, waxaana hakad ku jira in lacago laga bixiyo Qasnada dowldda hoose, taasoo keentay dib u dhac ku yimaada mushaarkii shaqaalaha dowladda Hoose,
Ibraahim Dheere ayaa mudadii koobneyd ee uu ahaa ku-simaha Guddoomiyaha ay isku dhaceen mas’uuliyiin fara badan oo uu ka mid yahay Agaasimihii Maamulka iyo Maaliyadda C/raxmaan Cusmaan Ibraahim oo isu casilay kadib markii uu diiday saxiixa qaansheegtooyinka Guddoomiye ku xigheenka maamulka iyo Maaliyadda, wuxuuna warbixin siiyay madaxda sare ee dowladda Soomaaliya.
HOOS KA AKHRISO KASHIFAADDII GOOBJOOGE