Sunday, December 5, 2021

Haweeney lagu dilay Degmada Hodon ee Magaalada Muqdisho iyo faahfaahin laga helay

Koox bistoolado ku hubeysan ayaa magaalada Muqdisho saaka ku dishay qof haweeney ah oo warar kala duwan kasoo baxayaan dilkeeda.

Haweeneydan ayey wararku sheegayaan inay ka tirsaneyd ciidamada Dowladda Federaalka, waxaana dableyda  ay saaka weerar ku qaadeen xilli ay ku sugneyd Hoygeeda oo ku yaalla agagaarka Isbitaalka Digfeer ee degmada Hodan, Magaalada Muqdisho.

Marxuumad Dahabo Jimcaale Tooxow Cali ayaa la sheegay inay rasaas ku fureen ragga ku hubeysnaa bistooladaha ee gurigeeda ku weerarray, waxayna ka baxsadeen goobta markii ay khaarijiyeen.

Ad

Falalka dilalka khaarijinta ah iyo qaraxyada ayaa muddooyinkii danbe kusoo badanaya caasimadda Muqdisho, waxaana ugu danbeeyay laba qarax oo dhalay ka dhacay Muqdisho.

- Advertisement -
- Advertisement -

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

0FansLike
0FollowersFollow
5,910FollowersFollow
0FansLike
0FollowersFollow
5,910FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!