Wednesday, July 9, 2025

Go’aan kasoo baxay kulan fogaan-arag ah oo ay yeesheen RW Rooble iyo Madaxda maamul Goboleedyada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiint Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxda maamul Goboleedyada ayaa caawa shir ku yeeshay Khadka Internet-ka, iyadoo shirka laga soo saaray go’aan ku saabsan Doorashada.

Kulanka oo ka dhacay aaladda fogaan ayey Golaha Wadatashiga Qaranka uga hadleen xaaladda Doorashada oo laga deyriyey dib u dhaca hareeyay iyo sidii loodardar gelin lahaa.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada oo kala Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni,Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen), Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam , Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

Gunaanadkii shirka ayaa la sheegay in la isku afgartay in si deg deg ah dhammaan Dowlad Goboleedyada looga bilaabo doorashooyinka Golaha Shacabka, laguna soo gabagabeeyo si looga fogaado dib u dhac ku yimaada doorashooyinka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON