Guddiga Maamulka Doorashada Hirshabelle ( SEIT) ayaa shaaciyey magacyada odoyaasha dhaqanka iyo Ururada bulshada Rayidka ee soo xulaya ergada 3 kursi oo ka mida kuraasta ku harsan Magaalada Beledweyne.
Kuraasha la shaaciyey odayaasha soo xulaya ergadooda ayaa kala ah: HOP010, HOP030 iyo HOP#066, waxyana ka mid yihiin kuraasta ugu fudud 110-ka kursi ee doorashadooda la filayo inay ka dhacdo magaalada Beledweyne, marka laga reebo hal kursi.
Kursiga HOP030 ee uu ku fadhiyey Dahir Amiin Jeesow ayaa ah midka ugu xiisaha badan, iyadoo dhowaan magaalada Beledweyne ay maleeshiyo hubeysan ku hanjabtay inaysan ogolaan doonin in kursigaasi loo xiro Daahir Jeesow oo taageero ka heysta kooxda Farmaajo, iyadoo wararku sheegayaan in Jeesow loo xiray.
Kursiga labaad ee HOP010: Waxaa hore ugu fadhiyey C/risaaq Axmed Maxamed (Jindi), kaasoo isna loo xiray Nin Magaciisa lagu sheegay C/raxmaan Dheere, waxaana tartanka ku jirin xildibaan Jindi, iyadoo lagu wado inuu k.
Halka kursiga saddexaad ee HOP066 oo uu hore ugu fadhiyey Cumar Cismaan Waasuge, la filayo inuu isbedel ku yimaado, waxaana la tartamaya musharixiin dhowr ah.
Kuraasta ugu adag ee taalla magaalada Beledweyne ayaa dib loo sii dhigay kadib xiisad ka dhalatay in la furo tartanka iyo xaalad amni oo hareysay magaalada Beledweyne.

