Waxaa magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh iyo Madaxweynaha maamulka Gobaleedka Koonfur-Galbeed Soomaliya C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).
Kulanka ayaa la sheegay in looga wadahadlay arrimaha Siyaasadda Dalka, Doorashooyinka, Iyo xaaladaha maamulka K/Galbeed, wuxuuna ahaa kulankii ugu horeeyay ee muddo dhex mara labada mas’uul oo khilaaf weyn uu ka dhaxeeyay dhinaca Doorashada.
Maxamed Mursal Sheekh iyo C/casiis Lafta-gareen ayaa loolan adag u dhaxeeya hoggaaminta siyaasadda beesha ay kasoo jeedaan, waxaana hore inuu heshiisiiyo ugu guuldarreystay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo saaxiib la wada ah, laakiin warar xogogaal ah ayaa sheegaya in kulankoodi ku koobnaa salaan oo aan hal loo helin arrimaha dhex yaalla.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa qeyb ka ah qorshaha Doorashada Madaxweyne Farmaajo, halka Madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Lafta-gareen uu si weyn uga hor yimid tallaabooyinkii uu qaaday Baarlamaanka iyo dhammaan xeerarkii doorashada ee uu ansixiyey, waxaana hadda la ogeyn sida xiriirkoodu noqon doono markii ay meesha ka baxday ‘Doorashadii Qof iyo Codka’ ahayd.

