Monday, June 23, 2025

INQILAABKII AAMUSNAA: Maxaa dhacay habeenkii is-casilaadda Ra’iisal wasaare Kheyre?

Inqilaab aamusan oo si nabadgelyo ku dhammaaday ayaa ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya habeenkii Sabtida 25-ka July  2020 saacado kadib markii uu Guddoomiyaha Baarlamaanka uu maalintas ku dhawaaqay inay kalsoonidii kala noqdeen xukuumada Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre xilli muran ka taagnaa Baarlamaanka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa isla markiiba qaaday tallaabooyin u muuqday in waxa dhacay ay ahaayeen qorshe abaabulan, wuxuuna si degdega taageeray go’aankii guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh, isagoo kadibna soo saaray magacaabid uu kuxigeenkii Ra’iisal wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed uga dhigay ku-sime Ra’iisal wasaare.

Qoraaladda Ingiriiska & Carabiga ah ee xil ka qaadista Ra’iisal wasaaraha oo Madaxtooyada faafieysay waxaa barbar socday ciidamo la dhigay Madaxtooyada, waxaana Farmaajo uu cabsi weyn ka qabay inuu Ra’iisal wasaaraha ka hor yimado xil ka qaadista oo dhibaato soo wajahado, iyadoo ay jireen saraakiil iyo ciidamo taageersan.

Waxaa amar la siiyey taliyeyaasha ciidamada taasoo keentay in ciidamo la dul dhigo xafiisyada xukuumadda iyo Madaxtooyada guud ahaan, loona diido in la galo ama laga baxo, waxaana hegan la geliyay ciidamo badan, iyadoo uu howsha maamulkeeda waday agaasimaha NISA Fahad Yaasiin.

Intii uu socday kulan saacado qaatay oo dhex maray Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre iyo saaxiibada ugu dhow si ay go’aan u gaaraan; waxay Madaxtooyada isu diyaarisay dhinac waliba, sida milateri, warbaahin, iyo dhisme xukuumad uu hoggaaminayo Ra’iisal wasare ku xigeenka, iyadoo la rumeysan yahay in Internetka Koonfurta iyo Bartamaha Somalia loo jaray isla arrintan.

Madaxtooyadu waxay Isha ku haysay waxa kasoo bixi doona shir uu ku jiray Xasan Kheyre oo loo diyaarsanaa xaalad kasta in lagu wajaho, sida in tallaabo laga qaado.

Ciidamo taageersan Wasiirka Amniga iyo Ra’iisal wasaaraha ayaa la sheegay in laga joojiyey wax tallaabo ah oo ay qaadaan, waxayna xaaladda ahayd inqilaab aamusan oo madaxweyne Farmaajo iyo Agaasime Fahad ku dhaqaaqeen, waxaana Xafiiska Ra’iisal wasaaraha loo diiday saxafiyiin la filayay inay baahiyaan shirka Jaraa’id ee Ra’iisal wasaaraha oo Madaxtooyadu u heysatay inuusan marna aqbali doonin wixii ka dhacay Baarlamaanka.

Waxay xaaladu is bedeshay markii Ra’iisal wasaaraha uu khudbadiisii is-casilaadda soo dhigay Baraha bulshada, iyadoo xaaladii kacsaneyd ay meesha ka baxday, waxaana tanaasul odaytinimo muujiyey Ra’iisal wasaaraha.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON