Sunday, February 5, 2023

Iran oo Daldashay Mas’uul hore oo heysta dhalashada UK, laguna helay Basaasnimo

Dowladda Iiraan ayaa maanta daldashay oo toogasho ku dishay nin heysta dhalashada Ingiriiska oo lagu helay inuu Basaas u ahaa dalkaasi, sida ya shaaisay warbaahinta dalka Iiraan.

Ninkan oo heysta labad dhalasho ee dalaka Iran iyo Ingiriiska ayaa mar xil sare ka soo qabtay wasaaradda difaaca ee dalka Iran, waxayna Iran tallaabadan qaaday iyadoo dalal dhowr auga digeen inay joojiso xukunka dilka ah.

DIlka Ali Reza Akbari ayaey wararku sheegayaan inuu qeyb ka yahay loolan awoodeed oo ka dhex socda dhinacyada talada dalka Iran isku haya. Waxaa dilka sarkaalkan keenay jawaab culus oo ka timid dowladda UK.

Ad

“Dilka Ali Reza Akbari waa fal waxashnimo ah oo mudan in la cambaareeyo sida ugu adag” ayaa lagu yiri xoghayaha arrimaha dibadda ee UK James Cleverly ku sheegay hadal uu soo saaray, isagoo dowladda Iiraan ku eedeeyay inaysan wax ixtiraam ah u heynin nolosha aadanaha.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,969FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,966FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!