Ciidamada Hay’adda NISA ayaa magalada Muqdisho ka fuliyey howlgal ay kusoo qabtay kooxo ‘burcad’ ah, hub, rasaas, waxyaabaha laga sameeyo qaraxyada iyo maandooriye.
Degmada Dharkenley ayaa la sheegay inay ciidamada NISA kusoo qabteen haweeney Gurigeeda ay ku keydsanaayeen hub, rasaas iyo waxyaabaha qaraxa, kadib howlgal qorsheysan oo ay ciidamadu ku qaadeen Gurigaasi.
Sarkaalka ka tirsan Hay’adda NISA oo warbaahinta dowladda soo xigatay ayaa sheegay in ciidamada NISA ay wadaan baaritaanno dheeri ah oo la xiriira amniga Muqdisho, isaga oo intaas raaciyay in haweeneyda lasoo qabtay loo gudbin doon hay’adaha caddaaladda.
Dhinaca kale, ciidamada booliska degmada Howlwadaag ayaa suuqa Bakaaraha ka qabtay rag burcad ah oo ay sheegeen inay dhac u geysteen dadka xaafadaha degmada.
