Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) oo Soomaaliya kasoo noqday wasiirkii Arrimaha dibadda dowladii KMG-ka ahayd, haddana ka mida Madaxda Xisbiga Waddani ee Mucaaradka Somaliland ayaa si laa filaan ah u taageeray dib ui doorashada Madaxweynaha xilku ka dhammaaday e Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Ismaaciil Buubaa ayaa ku difaacay Farmaajo inaysan jirin cid xilka ka qaadi darta, haddii doorasho ay dhacdana aanu musharixiinta Mucaaradka ku jirin cid ka qaadi karta kursiga, wuxuuna caddeeyay in musharixiinta ay qeylo uun wadaan ayn dhammaatay 8-da Febraayo oo sheegeen inuu isbedel dhacayo.
“Isma lihii Farmaajo ayaa kursi jacayl hayaa, laakiin waxaan qabaa in haddii la tartamo in cid kursiga ka qaadi kartaaba aanay ku jirin nimankan Musharixiinta Mucaaridka ah….” ayuu yiri Ismaaciil Buubaa.
Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo madaxweyaha Somaliand Muuse Biixi uu dhowaan isna si dadban u taageeray guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi, isagoo si kulul u dhaliiyay dowladda uu hogaamiyo Farmaajo, kuna tilmaamay tii ugu cadaawadda badneyd ee soo marta Muqdisho.
Xisbiga talada haya ee Somaliland Kulmiye iyo xisbiga kale ee mucaaradka Waddani ayaa u muquata inay kala taageerayaan Farmaajo iyo Musharixiinta Mucaaradka, halka Feysal Cali Waraabe oo hoggaamiya xisbiga mucaaradka UCID uu u ololeynayo in meesha laga saaro Farmaajo.
