Xaaladda Itoobiya ayaa kasii dareysa iyadoo ay dagaallo culus ka socdaan Gobolka Tigray ee Waqooyiga Itoobiya oo jabhadda TPLF ay soo laba kacleysay.
Dagaalyahanadda Tigray ayaa dib u qabsaday magaalooyin badan oo ay ugu dambeysay magaalada Alamata, waxaana ay kusii jeedaa magaalada Mai Tsebri ee Koonfurta Tigray oo ah magaalo ay heystaan maleeshiyada Amxaarada ee la safnaa ciidamada dowladda Itoobiya, waana sababta keenay in Gobolka Amxaarada uu xaalad degdega galo oo ku dhawaaqo inuu dagaal ku qaadayo ciidamada Tigray.
Colaadda dhex taalla Qowmiyadaha Tigray iyo Amhara ayaa salka ku heysa caddowtinimo muddo dheer soo jirtay, waxayna hadda qarka u saaran yihiin inay is fara saaraan, iyadoo magaalada Mai Tsebri ay sheegato Amxaarada, balse ay leedahay Tigray.
Waxaa kaloo abaabul xoog leh ka socdaa Gobolka Oromia oo si weyn looga abaabulayo ciidamo ka hortagga Tigray, waxayna arrintan ka dhigan tahay in dagaalka u dhaxeeyay ciidamada federaalka Itoobiya iyo kuwa Gobolka Tigray uu hadda isu bedelayo dagaal Qowmiyadeed oo qolo qolo la isu dili doono, taasoo Itoobiya gelin doonta xaalad dagaal sokeeye oo buuxa.
Waxaa kaloo dagaalka ku biiraya ciidamada Gobolka Sidaama oo iyaguna la abaabulayo. Madaxa xafiiska isgaarsiinta ee ismaamulka Oromiya mr. Getachew Balcha ayaa caddeeyay in ciidamada Oromiya loo diray inay ka qeyb galaan si looga adkaado ciidamada Tigreega.
Sidoo kale, Madaxweynaha maamul goboleedka cusub ee la dhisey ee Sidama Mr. Desta Ledamo ayaa sheegay in ciidamo ka socda dowlad degaanka Sidama oo dheeraad ah la diri doono Gobolka Tigray. Wararka qaar ayaa sheegaya in xubno katirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Sidama ay ka baxeen xeryaha iyagoo diidan inay kaqeyb galaan dagaalka Tigray.
Abaabulka ciidamada Is-maamul Goboleedyada Itoobiya ayaa imaaneysa iyadoo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu dhowaan sheegay in xabbad joojintii ay dhinacooda ku dhawaaqeen ay socon weyday, ayna bilaabayaan ka hortagga caddowga Itoobiya, isagoo ugu baaqay dadka Itoobiya inay is difacaan.
Waxaa magaalada Addis ababa laga soo sheegay in howlgal lagu ugaarsanayo dadka kasoo jeeda Tigray ee ku harsan caasimadda Itoobiya, waxaana hore xukuumadda Abiy Ahmed ay xirxirtay dhammaan saraakiishii ciidamada ee Tigray iyo madaxdii dowladda Federaalka ugu jiray Tigray.


