Maaamulka Jubbaland oo ay ka bilaaban doonto doorashada senatoorada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa diyaar garowgii ugu danbeeyay ku jira.
Gudoomiyaha Guddiga hirgelinta Doorashooyinka heer Faderaal Maxamed Xasan Ciro iyo xubnaha Guddiga ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaa maanta kormeeray hoolka loo asteeyey in a ka dhacdo codeynta doorashada xildhibaanada Aqalka Sare.
Baarlamaanka Jubbaland oo guddi Doorasho u saaray Aqalka Sare ayaa Guddiga Doorashada heer maamul Goboleed ku wehliya qabsomidda Doorashada Aqalka Sare, iyago warbixin laa siiyey qaybaha kale duwan ee loo diyaariyey in ay ka dhacdo codaynta doorashada Aqalka sare.
Jubbaland ayaa lagu wadaa inay ka dhacdo Doorashada Aqalka Sare inta aanay bishan dhammaan, waxaana weli Madaxweynaha maamulkaasi Axmed Madoobe laga sugayaa musharixiinta 8-da Kursi ee yaalla Magaalada Kismaayo.



