Monday, June 23, 2025

KASHIFAAD: 3 Xaqiiqo oo ku Qarsoon Warbixintii Wasaaradda Amniga & Qarxintii xarunta Gobolka

Wasaaradda Amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa saaka Aroortii Salaadii subax ka hor shaacisay Warbixin hordhac ah oo ku saabsan Qaraxii 24-ka bishan ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir oo sababtay inay ku dhintaan 9 mas’uul oo ka tirsanaa maamulka Gobolka iyo Guddoomiye C/raxmaan Yariisow.

Warbixintan inkastoo aysan wax badan oo cusub soo kordhin, haddana waxay ahayd mid rasmi ah, waxayna caddeyn u tahay sida hay’adaha Amniga dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha kale ee dowladda aysan ugu diyaarsaneyn ka hortagga falalka argagixiso iyo xeeladaha Alshabaab adeegsato oo in badan soo noqnnoqday, wax cashar ahna aan laga baran, laakiin warbixintan waxay soo shaac bixisay xaqiiqooyinka soo socda:

1- HOOS U DHACA SIRDOONA DOWLADDA SOOMAALIYA – NISA

Ad

Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA oo xilligan la fileyay inay horumar sameyso ayaa u muuqata mid hoos u dhac ku yimid intii uu talada qabtay madaxweyne Farmaajo, iyadoo hoggaanka Haya’daasi uu noqday mid siyaasadeed.

NISA waxay ku guuldarreysatay inay isha ku heyso dhaqdhaqaaqyada Alshabaab oo awood u yeeshay inay tashkiiliyaan, isla markaana adeegsadaan xubno ka mida dowladda Somalia si u fuliyaan falal argagixiso oo gaaray is-miidaamin, waxayna ahayd ina NISA xilligan u diyaarsan tahay inay dhexda ka qabato falalkaasi, iyadoo adeegsaneysa inkaaniyaadka ay heysato.

2- DAYACA AMNI EE XARUMAHA DOWLADDA

- Advertisement -

Warbixinta Wasaaradda Amniga waxay kaloo si cad u muujisay inuu dayac weyni ka jiro xarumaha dowladda, iyadoo madaxda qaarkood ay awoodaan inay fududeeyaan ama dadka qaarkiid ka dhaafaan maritaanka baarista Amniga iyo dhaqangelinta waajibaadka amniga ee laga rabo dal ku jira dagaal argagixiso. Naxariista iyo nidaam ka cafinta dadka qaarkii waxay keentaa natiijo la mida qaraxii ugu danbeeyay ee xarunta Gobolka ka dhacay.

3- KA-DABA-TAG IYO XISAABTAN LA’AAN

Fal kasta oo argagixixo uxuu lugaha la galaa Dhinacyo kala duwan sida, Kuwii mas’uulka ka ahaam kuwii Fuliyey iyo Dadkii fududeeyay, labada hore midna lama gaaro waxay kala yihin horjoogayasha soo abaabulay iyo kuwa loo adeegsaday ee inta badan geeriyooda, laakiin dadka fududeeya ama mas’uuliyadooda ka seexda madax iyo ciidanba ma jiraan wax tallaabo ah oo laga qaado, taasoo keentay inaan wax horumar ah laga gaarin qaraxyada dhaca oo haddii laga hortegi waayey, haddana lagu dhiiran waayo in laga daba tago.

GUNAANAD

- Advertisement -

Qaraxii xarunta Gobolka Banaadir ka dhacay wuxuu ahaa digniin kale oo Alshabaab u dirtay dowladda Soomaaliya iyo Hay’adaheeda Amniga, waxayna arkeen boogaha waaweyn ee ka muuqda nidaamkooda amniga iyo sirdoonka, laakiin lama hubo inay cashar ka baran doonaan ama ay wax ka bedeli doonaan qorshaha fashilan ee dhaliyey in si fudud loo qarxiyo xafiisyada amni ahaan ugu ilaalada badan magaalada Muqdisho.

GOOBJOOGE

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON